Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxamed Xaaji Ilkacase: Khaarijiyihii ugu naxariista darnaa Alshabaab [Wuxuu dilay Adeerkii soo koriyey oo ahaa Jeneraal…]

    Maxamed Xaaji Ilkacase: Khaarijiyihii ugu naxariista darnaa Alshabaab [Wuxuu dilay Adeerkii soo koriyey oo ahaa Jeneraal…]

    December 27, 2019Updated:January 2, 20202 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa shalay soo gabagabeysay kiiska koox ka tirsan Alshabaab oo qaabileysaneyd khaarijinta iyo dilalka dadka, kuwaasoo uu ka mid ahaa madaxii kooxdaasi Maxamed Xaaji Axmed (Daahir, Xudeyfi, Caddaawe- Ilkacase…)

    Ninkan ayaa ahaa maamulaha iyo isku-xiraha kooxdan wuxuu la baxay magacyada Daahir, Xudeyfi, Cdaawe iyo Ilkacsse oo markii danbe loogu yeeri jiray, isagoo ka qeyb qaatay dilalka saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Booliska, waxaana dhalay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska, isagoo uu soo koriyey adeerkiisa oo iska Jeneraal Boolis ahaa.

    Eedaha loo soo jeediyey Shuceyb ama Ilkacase ayaa muujinaya sida uu halis u ahaa, iyadoo lagu tilmaamay eedeysanaha ugu naxariista darnaa ee u gacan gala Hay’adaha ammaanka dowladda, kadib markii lagu eedeeyay inuu dilay adeerkiis soo kordhiyey oo uu gurigiisa ku noolaa Ex. Jeneraal Ismaaciil Axmed Cusmaan, iyadoo mar uu gacan galay dowladda uu damiin kusii daayey aabihii oo isna sarkaal Boolis ah.

    Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay inuu ninkan ku eedeysan yahay khaarijinta saraakiil sare oo ay ka mid yihiin: Jen. C/llaahi Maxamed Sheekh Xasan Qurux oo la dilay Bishii Septembar 2017. Xeer ilaaliye ku xigeenkii dowladda Maxamed C/raxmaan Maxamuud oo la dilay Bishii Febraayo 2019 iyo Ex. Jeneraal Boolis Maxamuud Xaaji Cali oo isna la dilay Bishii April 2019.

    Ilkacase oo madax u ahaa howlgallada Magaalada Muqdisho ay ka fuliso Alshabaab ayaa qaraxyada iyo dilalka uu abaabulay la sheegay inay ku dhinteen dad ka badan 180 qof, waxaana qaraxyadii uu fuliyey ka mid ahaa Qaraxii Tiyaatarka iyo qaraxyo kale oo waaweyn.

    Maxamed Ilka-case oo maxkamadda horteeda ka hadlay ayaa waxaa ka muuqatay inuusan kala jecleyn eedaha loo heysto, wuxuuna ku dooday in qofkii Shabaab gala uu yahay qof wax dila ee aan meeshaas loo tegin in Caano-boore lagu iibiyo, sida uu yiri wuxuuse caddeeyay inuu isagu maamule ahaa.

    “Maamul ayaan ahaa aniga.. nin wax dilay ma ogi.. Qofkii Shabaab galay waxba kama dhowrsana. Caano- Booro meesha laguna gado ee dad ayuu dilaa.. Shabaab waa jabhad wax leysa qofkii galana wax buu dilaa…” ayuu yiri Maxamed Xaaji Ilkacase oo hadda xukun suge ah.

    Kooxda uu maamulaha u ahaa ayaa lagu qabtay xaafadda Sey biyaano xilli ay doonayeen inay khaarijiyaan haweeney ka mida ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, kadibna waxaa lagu raadiyey ninkan horjoogaha ah.

    Update: Maanta 31 Disambar ayaa Dil toogasho ah lagu xukumay 7 shabaab ah oo uu ka mid ayahay Maxamed Axmed Xaaji Ilkacase.

    Dilaa Horjooge Ilkacse Maxkamadda Ciidamada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBaarlamaanka Somalia oo fulinaya Qodob ka mida Dalabkii Beesha Caalamka ee Sharciga Doorashada 2020/2021
    Next Article Xildhibaanada Mucaaradka oo Shirar looga horjeedo Sharciga Doorashada ku leh magaalada Muqdisho & Wararkii…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo