Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ku dhawaaqay labadiisa Madaxweyne ku xigeen ee xukuumadda maamulka Jubba oo muddo 8 bilood laga sugayay.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ayaa loo magacaabay siyaasiga inta badan mucaaradka ahaa ee Maxamuud Sayid Aadan, halka madaxweyne kux xigeenka labaad dib loogu magacaabay Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga-dheere.
Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubba ee magaalada Kismaayo ayaa looga dhawaaqay magacaabidda xilalkan, waxaana goobta ku sugnaa Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Maxamuud Sayid Aadan oo hore u ahaa madaxweyne ku xigeenkii maamulkii lixda gobol, aadna uga horjeeday maamulka Axmed Madoobe ayaa hadda booska kala baxay madaxweyne ku xigeenkii hore Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo wax badan saaxiib la ahaa Axmed Madoobe.
Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa weli laga sugayaa Axmed Madoobe inuu soo dhiso iyadoo beelo badan ay qeybtooda ka dhowrayaan inay ka helaan maamulka cusub.
Wadani.com