Dowlada Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe dhalinyaro kusoo daabushay diyaarado kasoo qaaday degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay in laga soo ururiyey degaanada Gobolka Gedo iyagoo ku jiray xero ku taalla Doolow oo tababar ciidan ku qaadanayeen, waxaana hadda la wareegtay ciidamada dowladda oo magaalada Muqdisho u soo duulisay, waxaana soo qaaday diyaaradihii shalay ciidamada cusub iyo hubka geeyay halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan oo ah dhibow loo diyaariyey inay ciidamo noqdaan ay dowladda Fedeeraalka u qaadatay inay ka mid noqdaan Kumaandooska Milateriga, loona qaado dalka Turkiga.
Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii danbe waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo milateri oo aan hore loo arag, iyadoo ciidamo badan iyo hub la isugu geeyay Gobolkaasi.


