Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka ee xilka sii heysa ayaa xalay Gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.
Kulankan oo ay ahaa mid ay dalbadeen Wasiirada oo uu hoggaaminayey Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ku saabsaan sallaan iyo kala war qaadasho ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka iyo xiisada ka taagan khilaafka Doorashada.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Wasiirada ay Cali Mahdi kala hadleen sida loogu baahan yahay in laga hortago wixii qalalaase wada, lagana shaqeeyo Amniga, maadaama uu yahay odayga ugu weyn siyaasiyiintii hore ee reer Muqdisho ah.
Cali Mahdi ayaa la sheegay inuu farriin cad u dhiibay Wasiirada u tegay, isagoo u sheegay inaysan jirin cid dooneysa qalalaase iyo dhibaato dalka ka dhacda, laakiin looga baahan yahay inay Maxamed C/llaahi Farmaajo gaarsiiyeen farriinta ah inuu xilligii sharciga ahaa ka dhammaaday, si sharci darro ahna ku joogo, xalkuna yahay inuu Doorasho qabto oo kursiga banneeyo.
Lama oga inay wasiiradaasi farriinta Cali Mahdi gaarsiin doonaan iyo in kale, laakiin wuxuu Madaxweynaha waqtigiisu dhacay u arkaa Cali Mahdi inuu yahay geed-fadhiga ugu weyn ee mucaaradka iyo musharixiinta ka horjeeda.
