Iyadoo shirka Madasha Qaran uu maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya warbixin ku saabsan xaaladda shirka.
Shirkan oo ay ku baaqeen inuu qabsoomo wuxuu ka dambeeyay markii Puntland ay joojisay Doorashadii Aqalka hoose isla markaana ay ka hor timid qoondada aqalka sare ee Somaliland oo ay dooneyso inay xubno ku yeelato.
Shirka Madasha ee maanta furay waxaa ka baaqsaday madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ay ugu war danbeysay socdaal uu ku marayo dalal Afrikaan kadib safarkiisii Shiinaha.
Maqnaanshaha Madaxweyne Gaas ayaa lagu macneeyay inay tahay xeelad siyaasadeed, isagoo markii hore ay culeys ka heystay madaxweyne ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadda ku sugan Muqdisho. Waxaa muuqata in C/weli Gaas uu isaga dhex baxay cadaadiska beesha caalamka iyo madaxdii Puntland ee ku dheganeyd xubnaha Aqalka sare ee Somaliland, taasoo rajada ah in xubno ay ka helaan aad u yar tahay.
Maqnaanshaha Axmed Madoobe: Waxaa kaloo shirka ka baaqsaday inuu ka soo qeyb galo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la sheegay inuu ka cudurdaartay shirka arrimo u gaara awgood. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe aanu dooneyn ku lug yeelashada arrimaha la isku hayo.
Shirka Madasha ee xilligan ayaa ka duwan kuwii ka horeeyay, waxaana cadaadis weyn ka imaanayaa beesha caalamka oo dooneysa in doorashada la dedejiyo, isla markaana aanay imaan caqabado kale oo dib u sii dhigi kara.
Wadahadallo ay wakiilada Beesha Caalamka iyo wafdiga Putland ku lahaayeen Muqdisho saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay ayaa la sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland si cad loogu sheegay inaysan dhici karin wax ka bedel kale oo lagu sameeyo qoondada Aqalka sare ee Somaliland.
Wadani.com