Qoraalka Beesha Caalamka kasoo saartay is-mari waagga ka taagan Doorashada dalka ee 2021 ayaa inkastoo uu walaac ka muujiyey fulin la’aanta heshiiskii Doorashada; wuxuu haddana jawaab diidmo u ahaa qoraalkii Mushariixinta Madaxweynaha ay saacado ka hor soo jeediyeen, una direen Beesha Caalamka.
Qoraalka Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ahaa talo-soo jeedin ay ku doonayeen in lagu xaliyo saddexda caqabadood ee hortaagan Doorashada (Ka Akhriso halkan), iyagoo qodobka ugu muhiimsan uu ahaa arrinta Gedo oo ay soo jeediyeen in Doorashada lagu qabto magaalo madaxyada Maamul Goboleedyada, lagana tago sidii hore loogu heshiiyey in laba magaalo lagu qabto, taasoo ka dhigan in Kismaayo oo kaliya lagu qabto Doorashada sida Doorashadii 2016.
Jawaabta Beesha Caalamka ee ku dhex jirtay Qoraalkoodii xalay ayaa noqotay sida soo socota: “Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda. Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan” waana jawaab cad lagu diiday in dib loogu noqdo heshiiskii Doorashada.
Arrintan ayaa xaalada ku celineysa meeshii hore, waxaana mid waliba go’aankiisa ku taagan Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Musharixiinta waxay u arkaan Axmed Madoobe nin muhiim u ah oo isbaheysi siyaasadeed oo weyn ay la leeyihiin, ayna ku qasban yihiin inay taageeraan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dagaal siyaasadeed oo milateri iyo dhaqaale la galay maamulka Axmed Madoobe si uu meesha uga saaro, dagaalkaas oo fashilmay wuxuu ku qabsanaaday inuu aqoonsado Axmed Madoobe, laakiin natiijada kaliye ee uu ka hayo ayaa ah Gobolka Gedo oo dowladda ay kala wareegtay Maamulkii Axmed Madoobe, taasoo iyaduna noqoneysa is-khaarijin siyaasadeed inuu ka tanaasulo.
Arinta Gedo oo hadda noqotay qodobka ugu culus ee hortaagan Doorashada, wuxuu heshiis laga gaaro ku xiran yahay inny ka wadahadlaan Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe; waxaana xalka uu soo jeediyey dhinaca Farmaajo uu yahay in la kala bedesho kuraas Baarlamaan oo kala yaalla Kismaayo iyo Garbahaarey.
AKHRISO: Warkii Beesha Caalamka kasoo saartay khilaafka Doorashada 2021
