Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho.
Guddiga oo kormeeday sida ay u socdaan howlaha tababarka ciidamada Soomaalida oo ku jira xeradaasi aya uu kuurgalay xaaladda ciidamada cusub ee dowladda Soomaaliya loo tababarrayo oo gaaraya 400 isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise iyo xildhibaannadii la socday ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee tababarka bixineysa, iyagoo ka dhageystay warbixinta tababarka.
Guddiga difaaca Baarlamaanka ayaa Saldhigga Turkiga ku soo arkay xaalad cajiib ah oo isugu jirta hannaan maamul iyo kala dambeyn heer sare ah. Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaa gabagabadii kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.iyadoo ciidamada cusub ee ku jira xerada ay kula hadleen halkaasi.
SAWIRRO