Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Maxay isku qabteen Xasan Cali Kheyre & C/weli Gaas..? [Akhriso khilaafkii 24-ka Saac hareeyay Garowe]

    Maxay isku qabteen Xasan Cali Kheyre & C/weli Gaas..? [Akhriso khilaafkii 24-ka Saac hareeyay Garowe]

    August 2, 2018Updated:August 2, 20183 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay markii uu Ra’iisal Wasaare Kheyre ka baaqsaday dhagax dhigga dekadda degaanka Garacad ayaa hareeyay magaalada Garowe, iyadoo uu sababay inay baaqato xafladii sanadguurada 20-aad ee Puntland, isla markaana shirka Golaha Wasiirada Somalia ee loo qoondeeyay inuu ka dhaco Garowe uu qarka u saarmay inuu baaqdo.

    Arrinta ayaa ku bilaabtay markii Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu cadaadis ku soo rogay wafdigii Ra’iisal wasaaraha ee joogay Garowe, wuxuuna kala noqday maamuuskii iyo gaadiidkii, isagoo amray inaysan Golaha Wasiirada Soomaaliya u soo dhoofin Garowe.

    Ra’iisal wasaare Kheyre oo shalay oo dhan kulamo kula jiray C/weli Gaas ayaa ku adkeystay mowqifkiisii ahaa inuu dhacayo shirkii Golaha Wasiirada ee magaalada Garowe, wuxuuna amray wasiiradiisa inay yimaadaan Garowe, waxaase la sheegay in Madaxweyne Gaas uu damcay inuu bixiyo amar dib loogu celinayo diyaaradii siday Wasiiradii shalay tegay Garowe, arrintaas oo ay soo dhex galeen madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo marwada koowaad ee Puntland.

    Golaha Wasiirada oo intii ay Muqdisho ku sugnaayeen amarro kala duwan ka helayay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo C/weli Gaas ayaa markii ay ka degaan garoonka magaalada Garowe la kulmay wax aanay fileyn oo ah inaysan cidna ku soo dhoweyn, waxaana garoonka ugu yimid oo qura xildhibaano iyo xubno kale oo ka mida ahaa wafdigii Ra’iisal wasaaraha.

    Arrimaha ugu yaabka badan waxaa ka mid ahaa in wasiiradii Puntland laga mamnuucay inay arkaan ama la kulmaan wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee Garowe yimid, waxaana saaxiibadood ay u sheegeen in amar la siiyey oo aanay is arki karin.

    Qaska siyaasadeed magaalada Garowe ka oognaa xalay oo dhan waxaa atoore ka ahaa Ra’iisal wasaare Kheyre oo xubnaha Golihiisa wasiirada ee Garowe tegay kula shiray Hotel ku yaalla magaalada, halkaasoo ay ku wada casheeyeen, wuxuuna u sheegay inay magaaladooda iska dabaraan, isla markaana isugu ku taagan yahay go’aankiisa.

    Xilliga waxaasi oo dhan dhacayaan waxaa shir uga socdaa madaxtooyada Garowe Madaxweyne Gaas iyo Golihiisa Wasiirada oo la sheegay inay go’aansadeen inay baajiyaan kulanka golaha wasiirada Soomaaliya, isla markaana Ra’iisal wasaare iyo wafdigiisa Xamar ku laabtaan.

    Gaas ayaa wararka qaar sheegayaan inuu saarnaa cadaadis dhinacyo kala duwan uga yimid oo ku saabsan inuu magaalada Garowe ka diro Kheyre iyo wasiiradiisa iyadoo wasiiro ka mida maamulkiisa ayba ugu hanjabeen inay is-casilayaan haddii aanu wafdiga Kheyre ka laaban Garowe.

    Waanwaan ay galeen xubno ka tirsan labada dhinac oo gaaray ilaa xalay saqdii dhexe kadib ayaa lagu heshiiyay inuu sidiisa u dhaco shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee la qorsheeyay inuu ka dhaco Garowe, iyadoo sidoo kale uu dhici doono shirkii Wasiirada maamulka Puntland, waxayna ahayd xaaladii ugu adkeyd ee soo wajahda Ra’iisal wasaare Kheyre oo hal-adeyg aan hore loo arag la tegay magaalada Garowe.

    Saaka ayaa waxaa magaalada Garowe ka bilaabayana shirarkii la qorsheeyay ee golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana arrintan ay muujineysaa miisaanka beeleed ee dalka iyo heerka ay gaarsiisan tahay dowladnimada federaalka ku dhisan ee xilligan Soomaaliya ka jirta.

    Waxaa arrinta uga sii daray odayaal beeleed, siyaasiyiin mucaarad ah iyo xaaladda ay Puntland ku jirto oo ah xilli olole doorasho lagu jiro oo dhinac waliba uu raadinayo dhibco siyaasadeed.

    Gaas Garowe Golaha wasiirada Kheyre Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Sheekh oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dib uga noqdo mowqifkiisii dalka Eritrea [Akhriso]
    Next Article DAAWO SAWIRRO: Hoolka lagu qabanayo Shirarka Golaha Wasiirada Soomaaliya & Maamulka Puntland

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo