Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Maxay ka dhigan tahay in Sawirka Madaxweyne Farmaajo lagu gubo Muqdisho..? [Faaqidaad]

    Maxay ka dhigan tahay in Sawirka Madaxweyne Farmaajo lagu gubo Muqdisho..? [Faaqidaad]

    April 25, 2020Updated:April 26, 20203 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dadweyne careysan ayaa bannaabax ka dhigay magaalada Muqdisho, kadib markii askari ka tiran ciicamada Booliska uu laba qof oo shacab ah ku dilay xalay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, isagoo fulinaya Bandow ay soo rogtay dowladda Soomaaliya.

    Qaar ka mida dadka bannaanbaxa waday ayaa dumiyey taallo ka mid kuwa Muqdisho ee kala wareega Shangaani, iyagoo jeexjeexay sawirka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadibna dab qabadsiiyey, waxay kaloo dad kale burbriyeen qaar ka mida fadhiyada casriga ahaa ee Busteejooyinka Muqdisho.

    Khalad kastoo ay ku kaceen Dadkani waxay direen farriin siyaasadeed oo ah inaysan dooneynin hoggaanka dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Farmaajo, waxayna farriintooda inta badan ku socotay Madaxweynaha taasoo ahayd inay ka niyad jabeen hoggaankiisa oo hore loogu hanweynaa markii la doortay.

    Waa marki labaad ee dhibaato ka dhalatay askar dad shacab ah dishay ay isu bedesho caro lagu diidan yahay Madaxweyne Farmaajo iyo dowladda uu hoggaamiyo. 13 April 2019 ayey ahayd markii ciidamada dowladda ay isgoyska Howlwadaag ku dileen Bajaajle iyo abtigiis wada saarnaa Mooto, dilkaas oo keenay in xaaladda Muqdisho khalkhal gasho, banaanbaxyo waaweyna ay ka dhacaan caasimadda.

    Akhriso: Bannaabixii rabshadaha watay ee Muqdisho 13-April 2019

    Sanad kadib dowladda Soomaaliya kuma guuleysan inay hagaajiso hab-dhaqanka ciidamadeeda Booliska oo lagu daray dhalinyarro badan oo aan boolisnimo u qalmin (Bac-kasii), kuwaasoo dad badan oo shacab ku laayey si bareer ah, qaarna u dilay arrimo yaryar oo laga fursan karay.

    Bannaabixii sanadkii hore iyo Farriintii uu watay wuxuu madaxweyne Farmaajo uga jawaabay hadal adag iyo khudbad aan laga fiirsan oo isagoo careysan uu ka jeediyey xarunta degmada Wardhiigely [Halkan ka Akhriso], kadibna waxay ciidamadu ugaarsadeen dadkii soo abaabulay banaanbaxyada iyadoo la xiray ku dhowaad 50 bajaajle oo guryahooda lagala baxay.

    Farriinta labaad ee maanta 25 April 2020, waxay kusoo beegantay xilli uu waqtiga kasii dhammaanayo Madaxweyne Farmaajo, xaalad adagna ay dalka ka jirto, wuxuuna falkan mugdi geliyey wixii xukuumadda Kheyre ku howlaneyd muddo dheer si ay muuqaalka dowladda u hagaajiso, una muujisay inay tahay dowad horumar gaariisay dalka, inta aanu imaan Coronavirus.

    Jawaabta Madaxweyne Farmaajo ee dhacdada 24-ka April 2020 lagu dilay laba qof oo shacab ah waxay noqotay inuu ka gaabsado, isagoo soo diray Taliyaha Booliska oo xilkii ka qaaday taliyaha Booliska degmada ay dhibaatadu ka dhacday. [Akhriso Warkan]

    In Sawirka Madaxweyne Farmaajo maalin lagu gubo Muqdisho waay ka dhigan tahay khaladaad laga fursan karay oo la ogolaaday inay dhacaan. Inkastoo labada jawaab ee labada dhacdo ee isku midka ah kala duwan yihiin, waxay haddana caddeyn u yihiin fashil dhinaca ciidamada ah oo lagu guuleysan waayey in la xaliyo ama haddii si kale loo yiraahdo in Booliska Soomaaliya ay dowladda Farmaajo ka dhigtay midkii ugu asluub liitay markii ay ka buuxisay nabadsugid iyo dhalinyaro aan u qalmin, iyagiina aan laga dhisin hab-dhaqanka dadka.

    Waxaa kaloo xusid mudan in Maamulka Gobolka Banaadir uu maqaar-saar iska yahay sida kuwii ka horeeyay, wax awood ahna aanu lahayn, iyadoo taliyaha Booliska Federaalka ee Soomaaliya oo ka amar qaadanaya madaxweynaha ay toos uga talinayaan iyadoo aanu waxna laga weydiin, saameyna aanu ku lahayn maamulka G/Banaadir.

    Waqtiga yar ee Madaxweyne Farmaajo u haray haddii aanu maareyn ciidamada, kana fogaan tallooyinka iyo falalka ka horkeenaya shacabka, waxaa xaqiiqo ah in xilliga u haray uu ku dhammeysan doono madax xanuun joogto ah iyo khaladaadkiisa oo galaafta waxqabadkiisii iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

    FAAQIDAAD: GOOBJOOGE

    Bannaabaxyo ka socda Magaalada Muqdisho iyo Xaaladihii ugu danbeeyay.. (Sawirro)
    Madaxweyne Farmaajo: “Cidii isku dayda inay hor istaagto Qaranimada, Gacan bir ah ayaan ku qabaneynaa..”
    Bannaanbixii Farmaajo Farmaajo Madax Madaxweyne Farmaajo Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTrump: Waxaan la hadlay Abiy-Ahmed-ka Itoobiya dadkiisu waxay u baahan yihiin ‘Ventilator’ waanan caawinayaa..”
    Next Article Dhowr Qof oo Cudurka Coronavirus laga helay Puntland & Dad cusub oo la karaantiilay (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo