Kulankii ugu horeeyay ee gaara ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Wararka laga helay Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xal uhelidda arrimaha hortagaan shirkii wadatashiga ee ay yeelan lahaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kadib shuruudo uu la yimid Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay ugu weyn tahay xaaladda Gobolka Gedo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qanciyey Axmed Madoobe in arrinta Gobolka Gedo xalkeeda loo saaro guddi labada dhinaca ah, isla markaana loo gudbo shirkii saddex geesoodka ahaa, laakiin wuxuu dhinaca kale ogolaaday Madaxweyne Farmaajo inuu casuumo madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed.

Axmed Madoobe ayaa kulankii koowaad ee Madaxtooyada uga qeyb galay casho sharaf uu Madaxweyne Farmaajo u sameeyay habeenkii ugu horeeyay ee Muqdisho ay yimaadeen, iyadoo kulankii xalay uu ahaa kii koowaad ee ay si toos ah labadooda uga shiraan xaaladda kala dhaxeysa, waxaana lagu wadaa in maanta ay kulan kale oo lagu tilmaamay quraac yeeshaan.