Madaxweynaha Puntland Sicid C/llaahi Deni ayaa Magaalada Garowe kula kulmay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hadda ku sugan Puntland.
War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaan lagu faahfaahin arrimaha looga hadlay kulanka, waxaana qoraalka lagu soo koobay: “Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno safarkiisa ku weheliyay”
Dhinaca kale Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay kulanka uga wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xilligan lagu jiro ee kala guurka ah, wuxuuna qoraalkiis ku yiri: ‘Waxaan aniga wafdigii safarka igu wehliyey kulan la qaadanay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid C/laahi Deni. Waxaan iska waraysanay xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xilliga kala guurka ah..”
Kulankan ayaa yimid, iyadoo Madaxweynaha Puntland la filayo inuu Beri soo gaaro magaalada Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

