Ra’iisal Wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya Xasan Cali Khayre iyo Abiy Ahmed kulan ku yeeshay magaalada Addis ababa, kadib socdaal lama filaan ahaa oo uu maanta Itoobiya uku gaaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Kulanka labada mas’uul ayaa sida uu sheegay Ra’iisal wasaare Kheyre waxaa looga hadlay aragtida sidoo Geeska Afrika isu dhex geli lahaa, loogaba gudbi lahaa caqabadaha ay wajahayaan xilligan oo ay ka mi tahay xaaladda ka dhalatay cudurka Coronavirus.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Itoobiya, waxaana jira warar ku saabsan socdaalka Ra’iisal wasaare Kheyre ee Addis ababa iyo afgaranwaa soo dhex galay labada dal.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa farriin uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in kulanka uu la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu ahaa mid mira-dhal ah, sida uu yiri.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxaa garoonka Bole ee Addis ababa kusoo dhoweeyay wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde.
