Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay kulan fogaan-arag ahaa, kaas oo ay ka soo qeybgaleen madaxda maamulka goboleeyda iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal.
Sida uu shaaciyay xafiiska Ra’isul Wasaaraha, shirka madaxda Wadatashiga Qaran ayaa diiradda lagu saaray “habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka”.
Maxamed Xasan Cirro, oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer Federaal ayaa warbixin ku saabsan waxyaabihii u suuragalay siiyay xubnaha Golah Wadatashiga Qaran, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay guddigaas.
Guddiga doorashada ayaa dhowr jeer oo hore ka codsaday madaxda maamul goboleedyada inay soo gudbiyaan musharraxiinta kuraasta harsan ee Aqalka Sare iyo dardargalinta doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.
Ma jiro xilli loo qabtay doorashada Golaha Shacabka, iyadoo weli ay harsan tahay doorashada senatoorada Aqalka Sare ee kasoo jeeda Somaliland, isla markaana aysan saddex maamul Goboleed dhammeysitirin Doorashadii Aqalka Sare.
Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro khilaaf weyn oo u dhexeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, kaas ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal ka tirsan hay’adda NISA.