Dowladda Ingiiriska ayaa la sheegay inay ciidamo gaara u direysa Soomaaliya 250 askari si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al Shabaab.
Howsha ciidamadan lagu geynayo Soomaaliya ayaa socon doonta muddo sanadka ah ee soo socda, waana howlgalkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo ciidamadan cusub ee Ranger-ka UK uga howlgalayaan Soomaaliya.
Wargeyska ‘Express’ oo warkan qoray ayaa sheegay inay tallaabadan kusoo beegmayso bilo kadib markii la aasaasay Guutada Howlgalka Gaarka ah uu ku dhawaaqay taliyaha ciidamada Cirka Britain, General Sir Mark Carleton-Smith, oo hadda madax ka ah taliska Ciidamada Ingiriiska.
Ciidamada UK ee ka howlgeli doona Soomaaliya, ayaa sidoo kale ka qeyb qaadan doona tababarka ciidamada Soomaaliya si ay uga hortagaan Al-Shabab. Waxayna taageeri doonaan dalalka Bariga Afrika ee gacan-saarka la leh.
Ciidamo aan cidna hoos tegin ayaa UK ka jooga Soomaaliya, waxayna intooda badan ka howlgalaan maamulka K/Galbeed iyagoo tababarra ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulkaasi.
