Waxaa markii ugu horeysay War-murtiyeedka kasoo baxay Madashada Qaran lagu sheegay in Puntland aysan saxiixin, isla markaana ay diiday qoddobo ka mida oo ay isku raaceen madaxda kale.
Labada Qodob ee madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iska diiday inuu saxiixo ayaa salka ku haya nidaamka Federaaleynta iyo asteynta heerarka awoodda garsoorka, iyadoo Puntland ay dooneyso inay ka madax banaanaato dowladda Federalka.
Qodobadda waxay kala yihiin:
1- HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA
Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.
2- ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA
Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah:
– Awoodaha u gaar ah heer federaal
– Awoodaha u gaarka ah heer DXDF
– iyo Awoodaha wadaagga ah.
Puntland ayaa aaminsan inay ku soconeyso federaal cusub oo ah inay la siman tahay dowladda Dhexe ee Federaalka ayna leedahay awoodo u gaara oo ka badan kuwa maamul Goboleeydada kale.
