Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ee Galabta lagu dhawaaqay in xilka lag qaaday ayaa sheegay in toddobaad ka hor caddeeyay inuu diyaar u ahaainuu xilka iska casilo.
Qoraal kooban oo uu soo saaray ayuu ku sheegay inay la-yaab ku noqotay xil ka qaadista lagu smeeyay, isagoo toddobaad ka hor gudbiyey xil ka qaadistiisa, isla markaana uu arrintan si faahfaahsan uga hadli doono waqtigeeda.
“Sheekada ku saabsan xil ka qaadisteyda waxay igu noqotay la-yaab aniga, si la mid ah dadka kale. Waxaan istiqaaladeyda diyaar u ahaa inaan gudbiyo toddobaad ka hor. Xaaladda waan la socodsiin doona Qof walba waqtigeeda; laakiin waxay ii ahayd farxad inaan u adeego Qaranka Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale wanaag u rajeynayaa mas’uulka i bedelay” ayuu farriintiisa ku yiri C/risaaq Maxamed Maxamuud.
Xil ka qaadista iyo magcaabista wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa ku socota si xowli ah, iyadoo lagu jiro xilli kala guur ah, doorasho gaabis ahna socoto, isla markaana xukuumadda ay tahay xilgaarsiin.
