Maxkamadda degaanka Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa xukun xabsi ah ku riday nin lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar yar oo 13 sano jir ahayd.
Ninkan eedeysanaha ahaa oo denbiga lagu helay ayaa lagu magacaabaa Bashiir C/Qaadir, waxayna Maxkamadda Burtinle ku xukuntay 5 Sano oo xabsi ah kaddib markii ay Maxkamadda ku heshay in uu kufsaday Gabadha yar ee 13 jirka ahayd.
Waxaa kaloo Maxkamaddu ku xukuntay ninkaasi lacag gaareysa 3 Milyan oo Shilin Soomaali ah, taasoo lagu sheegay ganaax iyo 44 Neef Ari ah oo ay Maxkamadda ku sheegtay Meherka Gabadha uu kufsaday.
Maxkamadda ayaa sii deysay eedeysanayaal kale ee falkan loo heystay oo lagu waayay denbigii lagu soo eedeeyay, waxayna beenisay warar laga baahiyay kiiska oo lagu sheegay inuu ahaa aargoosi.
Wadani.com