Maxkamad ku taalla magaalda Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga yeeray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, kadib markii uu dacwad kusoo oogay Sacad Aljabri oo hore gacan-yare ugu ahaa, una baxsaday dalka Canada.
Dacwadan ayaa la xiriirta in Dhaxal sugaha Sacuudiga oo hadda ah ninka ka taliya Boqortooyadaasi uu koox khaarijisa u diray ninkan oo ku noolaa dalka Canada, markii uu diiday inuu dib ugu laabto Sacuudiga.
Sacad Aljabri wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga, waxaana uu dibadda ku noolaa ilaa sanadkii 2018, waxaana qorshaha lagu dili lahaa fashiliyey sirdoonka Canada oo kooxdii loo diray inay khaarijiso ka celiyay Garoomada dalkaasi.
Dacwad lagu qoray 107 bog oo ka dhan ah Maxamed Bin Salmaan ayaa loo gudbiyey Maxkamadda Federaalka degmada Columbia, waxaana sidoo kale dacwada ku socotaa 24 qof oo kale oo kiiskan ku lug leh. Waxaa Sacuudiga lagu xayiray qoyska Sacad Aljabri si cadaadis loogu saaro.
Waxa xusid mudan in kooxda loo diray khaarijinta Sacad Aljabri kay ka mid haayeen kooxdii ka danbeysay dilkii Saxafigii caanka ahaa ee Jamal Khashoqgi.

Maxkamadda Degmada Columbia ee magaalada Washington ayaa hadda u yeereysa Dhaxalsugaha Sacuudiga oo ah ninka ugu sareeya boqortooyada Sacuudiga, siina wada hoggaanka dalkaasi oo boqorka aabihii aanu caafimaad ahaan gudan karin.