fanaanka Soomaaliyeed ee da’ada ah Maxamed Axmed Qoomaal ayaa maxkamad ku taal dalka Ingiriiska waxa ay ku heshay dambi ah inuu si qaldan u qaadanayay lacagta taageerada ceyrta ah, kadib markii uu ku laabtay dalkiisana ay u socotay isgoo been xeelad abuur saameystay.
Qoomaal oo 72 sano jir ah ayaa lagu soo oogay dembi ah inuu qaadanayay sanad walba lacag gaareysa £39,000 isagoon joogin UK, balse ku laabtay Soomaaliya, markii uu adkeysan waayay qabowga ka jira dalka Ingiriiska, waxana uu u soo aaday dalkiisa inuu helo kuleylka cadceeda.
Arrimaha la -yaabka leh ee uu Qoomaal ku kacay ayaa waxaa ka mida inuu sameystay shaabad been abuur ah oo ay leedahay waaxda socdaalka UK, si aan loo ogaan inuusan joojin dalka Ingiriiska, waxaana maxkamadda la filayaa inay ku xukunto magdhow lacagtii uu qaadanayay 2 sano iyo Bar iyo xabsi.
Waxaa Qoomaal u socday August 20, 2013 ilaa February 22, 2016 lacagta ceyrta ah ee loo siin jiray Guriga uu degan yahay iyo howlgabka, wuxuuna qirtay denbiga isagoo codsaday in la cafiyo.