Maxkamadda ciidamdaa Qalanka sida ayaa bilowday dhageysiga dacwadda Koox isku xiran oo Alshabaab ah, kuwaas falal qaraxyo iyo arbushaad ah ka sameyn jiray magaalada Muqdisho.
Kooxdan ayaa ka koobneyd Lammaane is qaba, oday Darawal ah, Dhaqtar, Lacag-haye iyo xubno weerarro Bambooyin geystay, waxaana kiiskan la fashiliyey bishii Septembar ee sanadkan 2022, markii la qabtay xubno ka mida oo weerar geystay.
1- Eedeysane Caddow Ahmed Calasow oo 54 sano jir ah ayaa sheegay inuu cabsi darteed ula shaqeeyay Alshabaab oo naftiisa u baqayay., wuxuuna qirtay inuu qaadi jiray dhaawacyada Shabakadan.
2- Eedeysane C/naasir Cismaan Nuunow (Mucaad) wuxuu sheegay inuu u xilsaarnaa arbushaada baraha Amniga ciidamada dowladda iyo kooxdan, wuxuuna dilay qof isagoo dhaaawacay 3 kale, weerarray fuliyay.
3- Xasan Cali Xuseen Ibraahim (Garaad): wuxuu ku eedeysan ahay dilka askari, wuxuuna ka mid ahaa kooxdan un qaabilsanaa fulinta falalka amni darro.
4- C/weli Sheekh Cali Mukhtaar ayaa ku eedeysan inuu ahaa dhaqtarka kooxdan oo daaweyn jiray dhaawacyadooda.
5- Ibraahim C/llaahi Maxamed Xuseen, waxaa loo heysataa inuu ahaa lacag-hayaha kooxdan, iyo Madaxa Khasnada Shabakadda Alshabaab.
6- C/llaahi Sheekh Maxamed Hilowle wuxuu ku ahaa fure-haye kooxdan iyo maamulaha Guryaha ay ku dhuumato oo ku ka yaalla Ceelsha, Deyniile, Suuqa Xoolaha iyo meelo kale.
7- Aadan Nuunow Maxamed (Kabila) iyo xaaskiisa Dahaba Cabdi Cusmaan Maxamed, ayaa loo heysaa keydinta Hubka kooxdan.
Maxkamadda ayaa la soo xiray, iyadoo go’aanka xukunkooda fadhi kale lagu gaari doono, waxaana qaar kamida loo heystaa Dil iyo weerarro, halka qaarka kale ay wajahayaan eedo ah gacan-siin argagxiso.
