Maxkamadda magaalada New York ayaa taageertay dood sharciyadeed ee ay gudbiyeen dadka ka soo horjeeda xannibaadda sida ku meelgaar ka ah uu Trump u saaray qaar ka mid ah muslimiinta ka safraya todobo dal oo Muslimiinta ku badan yihiin
Xeer ilaaliyayaha maxkamadda ayaa amray in dadka lagu xirxiray eelaboorada inaan la musaafurin karin. Dadkaas ayaa la qabtay ka dib markuu dhaqan galay dikreetadii uu Trump saxiixay.
Xeer ilaaliyayaasha waxay difaaceen kuwa “lagu xiray”, waxaana laga baqayay in la musaafuriyo, sida uu sheegay ururka ACLU. Dad lagu qiyaasay 100 illaa 200 oo qof ayaa lagu xirxiray garoomada xilli ay isku deyayeen inay galaan dalkaasi Mareykanka.
Goaa’nka maxkamadda wuxuu imaanayaa ayadoo boqollaal qof ay isugu soo bexeen dhowr eelaboor oo ay ku dibad baxayeen, ayagoo doonaya in laga noqdo go’aanka Trump ee qaxootiga lagu xayiray si ku meel gaar ah.
Dikreetada oo Jimcihii uu saxiixay Trump waxaa 90 maalmood lagu hakiyay inay galaan Mareykanka, dadka ka soo jeeda todobo dal sida, Soomaaliya, Irraan, Ciraaq, Sudan, Suuriya, Liibiya iyo Yaman.
Madaxweyne Trump ayaa difaacay go’aankiisa uu sida ku meelgaarka ah Mareykanka uga mamnuucay dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiinta ku badan yihiin.
Donald Trump wuxuu saxafiyiinta u sheegay in shuruucda cusub si wanaagsan loo dhaqangeliyay. Wuxuu beeniyay inuu Muslimiinta bartilmaameedsaday.
Dadka diidan ayaa sharciga la tiigsaday si looga noqdo go’aanka. Waxay ku dhawaaqayeen “u ogolow inay soo galaan.”
Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa u diiday rakaabka qaar inay ka qaadaan garoomada caalamka kale. Dadka xayiraadda la saaray waxaa ka mid ah kuwa haysta karaka loo yaqaano – Green Card – ee la siiyay deganaanshaha joogtada ah ee Mareykanka.
BBC