Maxkamada Racfaanka Gobolka Nugaal ayaa saakay markale xukun dil toogasho ah ku riday raggii ka dambeeyay kufsiga iyo dilka Kiiskii naxdinta lahaa ee lagu kufsaday laguna dilay Magalada gaalkacyo gabar 12 sano jir ahayd Caaisho ilyaas Aadan.
Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday xukunka dilka oo ay hore ugu xukuntay Maxkamadda darajada koowaad, waxayna raggan eedeysanayaasha ah kala yihiin: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame (34 sano jir), Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame (24 sano jir), iyo Cabdishakuur Maxamed Dige Shiine (43 sano jir), waxaana maxkamadda soo bandhigtay caddeymaha lagu helay.
Waa xukunkii labaad ee dil ah oo lagu rido eedeysanayaasha, waxaana eheleda raggan la fuilayaa inay rafcaan kale u qaataan Maxkamada Sare ee Puntland oo go’aankeedu noqon doono mid kama danbeys ah.