Nin aad u xanuunsan oo lagu magacaabo Noel Conway, islamarkaasna nolosha ka quustay ayaa doonayay in uu nafta is dilo, balse maxkamadda sare ee Ingiriiska ayaa u diiday dalabkiisa.
Ninkan oo 67 jir ah ayaa qaba xanuunka neerfaha ee aadka u daran, wuxuuna doonayaa in uu nafta iska qaado isaga oo adeegsanaya waxa loogu yeero ‘xaqa dhimashada’, kadib markii xanuunka haya uu sheegay inuusan xamil karin.
Maxkamadda sare oo cuskanaysa qodobada sharciga ee la xiriira in ay dambi tahay in qof nafta laga qaado siday doontaba haloo sababeeyee ayaa diiday in Mr. Conway la dilo, xitaa haddii isaga loogu danaynayo ama uu ogol yahay.

Sanadkii 2015-kii baarlamaanka Ingiriiska ayaa diiday in lasoo rogo sharci ogolaanaya in qofka uu dooran karo in uu nafta iska qaado ama la dilo.
Sanadkii 2014-kii nin kale oo lagu magacaabo Tony Nicklinson oo qabay xanuun daran ayaa sidoo kale laga diiday in uu is dilo.