Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dacwad loo heysto raggii ka dambeeyay dilkii wasiirkii Howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa maanta kulan lagu dhageysanayay dacwadda laba nin oo ku eedeysan dilka Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji ku yeelatay xarunteeda magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dib loo dhigay dacwadda.
Lama oga sababta dacwadan xasaasiga ah loo furay, haddana dib loogu dhigay, waxayna wararku sheegayaan in la sugayo warbixin ka dhiman xeer ilaalinta.
Dilka Wasiirka oo Muqdisho ka dhacay 3 May 2017 ayaa waxaa ka dambeeyay ilaalada hanti dhowrka guud ee kadib xilkii laga qaaday Nuur Faarax, waxaana kiiskan oo keenay xiisad hareysay dowladda Federaalka.
Wadani