Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay eedeysane lagu helay inuu fal kufsi ah kula kacay gabar yar oo 4 sano jir ahayd.
Maxkamadda ayaa xukunkta dilka ah ku riday eedeysane Dable Xoogga Maxamed Xuseen Cilmi oo loo heystay kufsiga Dhibane Farxiya Cabdi Shakuur Bootaan oo 4 sano jir ahayd, wuxuuna falka kufsiga ka dhacay Degmad Wadajir ee magaalada Muqdisho 14-kii May ee sanadkan 2020.
Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.
Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo diiwaan geliyay qiraalkii ka dhashay horgeyntiisa Maxkamadeed. Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.
Intii ay socotay Maxkamadeynta Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray. Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.
Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay kula macaamilaan ehelka dhibanaha.
Waxaa xukunka ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuuteoo sheegay in xukun sugaha uu heysto muddo Bil ah oo uu rafcaan uga qaado xukunka.