Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday askari lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex. Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex. Kontorool Afgooye 06- October 2018.
Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa sheegay in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, wuxuuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo.
Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto.
Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Ex. Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed.
