Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta Dil toogasho ah ku xukuntay Dil toogasho ah Xiddigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo lagu helay dilka taliyihiisii iyo dhaawaca laba qof.
Xiddigle Cabdinaasir Daa’uud ayaa toogasho ku dilay Taliyihii ururuka 59-aad ee Gaadiidka xooga dalka Dhamme Cabdi Maxamed Axmed (Hurdaaye) si ku talo-gal ah 29-kii Septemper 2022, isgoo ku dooday in xuquuqdiisa uu u dagalaamay, balse qirtay inuu si kas ah u dilay taliyaha.
Xiddigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh ayaa raadinayey xuquuq uu sheegay inay ka maqneyd, isgoo ghudan waayey Shaqo loo diray oo ahaa in uu qeyb ka noqdo ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo safar dhinaca dhulka ah ugu baxayay Gobolada dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamaddu ku riday Cabdinaasir Daa’uud oo ah Dil toogasho ah, looguna qisaasayo taliyihiisa iyo dhaawaca Axmed Maxamuud Axmed.
