Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta waxaa ay xukun xabsi dheer ah ku riday nin iyo xaskiisa oo lagu helay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.
Dayib Macalin Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ka mid ahaa Kooxda Daacish-ta Soomaaliyaa ayaa ku eedeysna samaynta Qaraxyada, soo dhawaynta Xubnaha ka tirsan Daacish iyo Kaydinta Hubka ay dhibaatada ku gaystaan, waxaana Eedeysanayaasha la xiray Bishii March ee Sanadkan 2022.
5-tii Bishii May 2022 ayaa labad eedeysana lagu xeray xabsiga dhexe, isla xilligaas Garsoorka ayaa ka dalbaday Xeer Ilaalinta in ay la yimaadaan Caddaymo dhamaystiran oo lagu Maxkamadayn karo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo xaakiisa Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor cadeeyay labada Eedeysane in ay is qabeen labadan qof, balse ay isku guursadeen Magacyo been ah oo kal ah: Mustaf iyo Xaawo, waxayna Maxkamadda ka hor sheegeen eedeysanayaasha in Sarkaalkii xukumayay uu isku doonay, Sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.
Qareenada Eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto, loona fiiriyo Qodobada Dambiga Fududeeyo, maadaama Eedeysanayaasha lala soo qabtay agabkii Qaraxyada ay u isticmaalayeen iyo Qarax diyaarsan.
Maxkamadda ciidmada qalabka sida ayaa maanta ku wada xukuntay min 15-sano oo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.
