Maxkamadda Drajada koowaad ee ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsi ku xukuntay nin ku eedeysnaa inuu hubka ka iibin jiray, una daabuli jiray kooxda Alshabaab.
Eedeysane Caddow Cabdulle Axmed (Carab) ayay maxkamaddu ku xukuntay 8 Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay
guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa loo heystaa u daabulidda hubka iyo rasaasta nuucyadooda kala duwan Maleeshiyada Alshabaab, Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay, wixii xilligaasi ka dambeeyay Hey’adaha baarista ayaa ka fushaday howlahooda baarista iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side loo soo gacan geliyay 17-ka bishii April ee Sanadkan xilligaasi oo sidoo kale Xafiiska Garsoorka Ciidamada weydiisteen in loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga Dhexe Gar-sug ahaan.
Wuxuu qirtay inuu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka. Wuxuu hubka geyn jiray Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarak, isagoo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka.
Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka.
Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.