Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda Ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal lagu magacaabo Cabdishakuur Mursal Maxamad oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa loo loo haystaa in markii taariikhdu ahayd 24/04/2017 uu gaari nooca ciidamadu leeyihiin oo uu darawal ka ahaa ku jiiray Al-baabka hore ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya marxuum Tahliil Jimcaale Hubane.
Shilka ayaa sababay dhaawaca qof kale oo dumar ah taas oo hadda daryeelkeeda ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiisha madaxtooyada.
Gudoonka Maxkamadda Ciidanka Gaashanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay inay soo gaartay garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida cabashada ehelada marxuum Tahliil Jimcaale Hubane, sidaasna baaris lagu bilaabay ugu dambayna loo xiray dhacdadaas Sarkaalka lagu soo eedeeyay oo ahaa Darawalka Gaariga dhibka gaystay.
Madaxtooyada Soomaaliya oo hore uga hadashay dhacdadaasi ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay baarisna lagu sameynayo sida shilkaasi ku dhacay.