Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday lix eedeysane oo ku eedeysnaa inay soo abaabuleen weerar ay 4 qof oo shacab ku dhinteen 28-ka bishii Ogost, magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Xeer ilaalinta ciidamada ee tegay Beledweyne ayaa soo bandhigay caddeymo laga qoray eedeysanayaasha, waxaana Maxkamadda hor tegay xafiiska xeer ilaalinta Markhaatiyaal degaanka ah ee goobjoogga u ahaa dhacdada.
Maxkamadda Ciidamada ayaa ku dhawaaqay xukunka soo socda:
1- Cabdisamad Maxamed Cusmaan (Af-dheere) oo ka tirsanaa Guutada 5aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayay Maxkamaddu ku heshay inuu ahaa shaqsiga dilka geystay waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha.
2- Eedeysanayaasha kala ah: Aadan Cali Cilmi, Burhaan Yuusuf Nuur, C/fataax Bedel Qoofiyow iyo Maxamed Cali Cilmi ayaa lagu xukuntay Min Shan (5) sano oo Xabsi Ciidan ah.
Waxaa xukunka ku dhawaaqay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo sheegay in Maxkamadu amartay in xabsiga laga sii daayo Maxamed Yuusuf Tifow, haddii aysan aanu jirin dembi kale oo loo heysto.