Maxkamadda Sare ee Ciidamada sida ayaa xukuno kala duwan ku riday shan ruux oo afar ka mida ay ahaayeen dambeeyay qaraxyadii 28-kii Febraayo ka dhacay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Liibaan Cali yarrow oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in shanta qof ee falka dilka ah lagu riday uu midkood ahaa askari qof shacab dil u geystay iyo afar qof oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ku lug lahaa qaraxyadii Baydhabo.
Sidoo kale maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida waxa ay xukun saddex sano ah ku riday qof kale oo isna soo abaabulay qaraxii Baydhabo ka dhacay.
28-kii Febraayo ayay ahayd markii labo qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydho ee xarunta gobolka Baay, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Wadani.com