Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka ku ridday saddex qof oo lagu eedeeyay in qaraxyo lagu soo qabtay, ayna ahaayeen ragga Alshabaab u farsameeya qaraxyada.
Maxkamadda ayaa dacwadda Raggan u fariisatay 17-kii Bishan, waxayna kala ahaayeen: Maxamed C/raxmaan Maxamuud, Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan Weerar, kuwaasoo xeer ilaalinta ciidamada ku soo eedeysay inay xubin yihiin Al-shabaab iyo sameynta Qaraxyada.
Maxamed C/Raxmaan Maxamuud ayaa lagu eedeeyay in uu ka tirsanyahay Al-shabaab, Qaraxyada u qaabilsanyahay,sidoo kalena dadka bari jiray Qaraxyda. Labada kale ayaa lagu eedeeyay in ay Al-shabaab ka tirsanyihiin waxaana lagu soo qabtay Haan ay ka buuxaan walxaha qarxa oo ay ku hayeen Ceelasha Biyaha.
Maxamed C/raxmaan lagu xukumay Xabsi daa’im, halka Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan Weerar lagu xukumay min 10 Sano oo xabsi ciidan ah.
Guddoomiyha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa xukunaasi saaka ku dhawaaqay. isagoo sheegay inay rafcaan ka qaadan karaan.