Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukuno xabsi ah ku riday Saddax Askari oo ka tirsan Ciidamada ilaalada Wadooyinka oo midkood xadgudub jirdil ah u geystay qof Dacwad ugu yimid xafiiska.
Labada askari ee kale ayaa denbi looga dhigay inay dusiyeen Muuqaalka ay duubtay Kaamerada CCTV ee Xarunta Taraafikada, kaasoo ahaa sababtii keenay in kiiskan xadgudubka ah uu cadaaladda yimaado.
Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) oo ahaa Sarkaalkii sida xun u jirdilay Nin ka mid ahaa dadka baahiyaha gaarka qaba oo Dacwad ugu yimid Taraafikada markii Mooto uu lahaa ay qabteen ayaa lagu xukumay Saddex Sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.
Dhinaca kale Maxkamada ciidamada waxay xabsi ciidan oo laba sano ah iyo Feer celin ku xukuntay Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV ee Traafikada oo loo heysto inuu MUuqaalka la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif oo isna ka tirsan ciidamada, oo isna lagu xukumay laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.
Labadan nin ee iska kaashaday in muuqaalka CCTV ay u dusiyaan Baraha Bulshada waxaa lagu soo eedeeyay inay awoodi kareen inay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh, sida CID-da iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada, balse taas bedelkeed ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa shaaciyay xukunkan, mana jirin wax loo qabsaday askartii kale ee jirdilka qeybta ka ahayd iyo Taliyaha Ciidamada oo Maxkamadda ka hor sheegay inuusan waxba kala socon falka dhacay iyo muuqaalkaba.