Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Nin Alshabab ah oo ka tirsanaa shaqaalaha G/Banaadir & Xubno kale [Akhriso]

    Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Nin Alshabab ah oo ka tirsanaa shaqaalaha G/Banaadir & Xubno kale [Akhriso]

    September 3, 2018Updated:September 3, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa xukunno kala duwan maanta ku diray eedeysanayaal ka tirsan Alshbaab oo u qaabilsanaa sirdoonka, hub heynta iyo arrimo kale oo ay haweeney ka mid tahay.

    Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha Koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii bishii 4-aad ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Al Shabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib ku wareejiyeen Hay’adaha baarista, waxuuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda soo galaan Eedeysanayaasha kale:-

    1- Waris Maxamed Cumar,

    2- Xasan Cali Maxamuud

    3- iyo Aadan Muuse Cadaawe.

    Hay’adaha baarista ayaa intaas kadib u soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxayna xafiiska xeer ilaalinta weydiisteen Maxkamadda in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe si ay u soo dhameystiraan caddeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

    Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo jeediyey eedaha soo socda:

    Eedeysane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow:- Waxaa lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxa uu qirtay in uu ku biiray Al Shabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu ka mid ahaa kun dhallinyara ah oo shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo ay u suura gashay in uu sii wado dhagridda shacabka uu ku hayey isagoo gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Al Shabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.

    Waris Maxamed Cumar: Waxaa loo heystaa inay aheyd keyd hayaha Hubka Al Shabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxa ay sidoo kale cadeysay in Al Shabaab ay ku biirrtay 2011 oo hubka Al Shabaab gaar ahaan bambooyinka ay isaga gudbin jirtay Ceelasha iyo magaaalada Muqdisho.

    Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo heystaa ka mid ahaanshiyaha Al Shabaab, sidoo kale waxaa loo heystaa in ay u soo dagaalameen Al Shabaab gaar ahaan kuwooda jid galeenka ah.

    Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada kiiskan u fariisatay laba jeer, markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8-aad, waxaana xilligaas garsoorayaasha ay Xafiisaka Xeer Ilaalinta ka dalbadeen in ay soo dhameystiraan Cadeymaha kiiska.

    27 bishii 8-aad ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen, cadeymo ay ka mid yihiin nin dhaawac uu horey ugu geystay Maxamed Cabdullahi Maxamed Cadow.

    GO’AANKA MAXKAMADDA GAARTAY

    Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay, kadib markii ay dhageysteen Qiraalka Eedeysanayaasha, Doodda dhinacyada Dacwadda ee aheyd muujinta dambiyada loo heysto iyo Qareenada oo ku doodayay in loo fududeeyo xukunnada maadaama ay kala culusyihiin shaqooyinka ay ka dhex hayeen Al Shabaab, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go’aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda.

    Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah.

    Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay ku wada xukuntay min 1 (Hal) sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda G/Dhexe Xasan Cabdirxmaan Aadan (Wabiyow).

    Eedeysanayaasha ayaa la siiyey fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

    Alshabab Maxkamadda Ciidamada Maxkamdda Xukun
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Magacyada Saddex Safiir oo Golaha Wasiirada Soomaaliya Ansixiyeen & Dalalkii loo diri lahaa…
    Next Article Meydka Nin ay dishay Korontada Shirkadda BECO oo lagu arkay degaanka Siinka dheer

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo