Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday Nin lagu helay inuu ka tirsanaa Sirdoonka Alshabaab u basaasa dhaqdhaqaaqa ciidamada dowladda Soomaaliya.
Yusuf Xasan Ibraahim oo 42 sano jir ah, kana tirsanaa Alshabaab ilaa 2019 ayaa lagu soo eedeeyay inuu ahaa Basaase Alshabaab u gudbiya dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda ee adeegsada Jidka Muqdishiyo iyo Sh/Dhexe.
Ninkan oo Mushaar ahaan u qaadan jiray $130, ayaa la sheegay in lagu qabtay howlgal ciidan 19-kii Janaayo ee 2023, waxaana xilligii la qabanayay uu watay Caag ay kuwada jiraan Mesago iyo Bistoolad.
Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu shaaciyay Garsoore Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad e ciidamada.