Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo sii deysay Nin ku eedeysnaa Shabaabnimo Dil ka geystay Muqdisho

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo sii deysay Nin ku eedeysnaa Shabaabnimo Dil ka geystay Muqdisho

    June 24, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta sii deysay eedeysane loo heystay inuu ahaa Shabaab fal dil ah ka geystay magaalada Muqdisho oo muddo dacwadiisu socotay.

    Ninkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay kiis ah inuu ka tirsanaa Maleeshiyada Al-shabaab,  waxaana loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxamed  oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

    Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto) ayaa Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana Ciidamada amniga u soo gudbiyeen  Xafiiska Xeer ilaalinta  21/05 ee isla sanadkan. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas codsaday  in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo hor geeyo.

    Baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida  04/06/2018 waxa ay sameeyeen eed ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto), waxayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.

    Eedda ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo cuskaday Baarista ay sameeyeen Ciidamada Amniga iyo shaqsi Markaati ah, waxa ayna eedooda ku codsadeen in la muddeyo  waqti  qaadista Maxkamadda.

    12 Bishan aynu ku jirno  ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.

    Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda Go’aan ku gaareyn in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.

    Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto) Shaqsi  laga been abuuranayo.

    Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeeyso, iyagoo aan ku qancin caddeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markhaati ehel la’ ah Marxuumka, in Cabdullaahi Xasan Axmed Maalin (Warranto) uu yahay xor, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo  haddii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida,  dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay doodda dacwadda oo ay ka mid aheyd warbaahinta Garsoor.

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waaana Maxkamadda leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd haddii ay u cadaato eedaha ka dhanka ah Ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidi Qaab Ciidan oo kale sida Maleeshiyada Al-shabaab.

    Alshabaab Eedeysane Maxkamadda Ciidamada Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare Kheyre: “Sidii loo doortay Madaxweyne Farmaajo dalku horumar ayuu gaaray…”
    Next Article Tirinta Codadka Doorashadii Turkiga oo socota iyo Natiijooyinkii ugu horeeyay ee soo baxay [Kala soco halkan]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo