Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta magaalada Baydhaba uga dhawaaqday xukunkii ugu degdegta badnaa.
Xukunkan ayaa lagu riday Ragga lagu soo eedeeyay dilkii dhowaan ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Baydhabo oo lagu dilay Sheekh Maxamed Madeer oo kamid ahaa culimada magaaladaasi iyo ergadii oo xushay xildhibaannada Fedraalka.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqa in Maxamed Aadan Cali Boorow lagu xukunay Dil Toogasho ah, markii lagu gelay dilka Sheekha.
Maxkamadda aya sidoo kale xukun xasbi daa’in ah ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah: Soomow Cali Aadan Ilka Case iyo Xasan C/laahi Ibraahim oo gacan ka geystay falka dilka ah.
Kiiska ragga maanta la xukumay ayaa magaalada Baydhaba ka dhacay 16 kii Bishan oo ah shan maalmood ka hor.