Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo guddoomiye ku xigeenka Degaanka Garasbaalley ee magaalada Muqdisho Guuleed Cabdi Xuseen.
Qoraal amar so oqabasho ah oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa lagu amray hay’adaha Amniga in mudo 24-saacadood kusoo qabtaan oo maxkamada ku hor geeyaan Guuleed Cabdi Xuseen oo ku magacaaban Gudoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Degaanka Garasbaaleey.
Guddoomiyaha Maxkamadda G/banadir aya ku eedeeyay Guddoomiye ku xigeenka Garasbaalley is hortagga shaqada Maxkamadaha iyo handadaad uu kula kacay xubno booqasho dhuleed ku tega degaankaaasi.
“Maxkamadda Gobalka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka Maxkamadda Sare ee dalka kuwaas shaqa maalmeedkooda sharcigu siiyay ku guda jiray, boogasho dhuleedna ku tegay deegaanka Garasbaaleey, isaga oo sicad uga horyimid shaqadooda, kuna xadgudbay Qodobada kala ah: 267, 265, 269, 263, 250, 2s1 XCS”.” ayaa lagu yiri qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda.
Amarkan ayaa si toos ah ugu socday Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ay isku dhacaan madaxda degaanada ku teedsan Muqdisho iyo Maxkamaddaha oo qaada dacwado fara badan oo ku saabsan muran dhul.

