Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wadaa inay u fariisato dacwad isugu jirta kufsi iyo dil Muqdisho ka dhacay bishii September 2020 oo ah kiiskii naxdinta lahaa ee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.
Kiiskan oo muddo dheer dib loo dhigayey ayaa la sheegay in maanta maxkamadda la horgeynayo saddex eedeysane oo loo heysto inay ka dambeeyeen, laguna soo eedeeyay dilka marxuumad Xamdi oo dabaq ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir laga tuuray.
Eedeysanaha koowaad ee kiiskan ayaa laga soo qabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxayna Maxkamadu sii deysay ilaa 7 qof oo la sheegay in wax dembi ah lagu waayey.
Qoyska Xamdi ayaa marar badan saxaafadda la hadlay iyagoo sheegya inay shaki weyn ka qabaan sida loo wado kiiska gabadhooda, waxayna dalbadeen cadaalad, waxaana la filayaa Maxkamadda ay maanta xukun ku rido eedeysanayaasha kiiskaas.
