Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Maxkamadda G/Banadir 30 Maalmood u qabatay Agaasimeyaal Musuq loo heysto (Akhriso)

    Maxkamadda G/Banadir 30 Maalmood u qabatay Agaasimeyaal Musuq loo heysto (Akhriso)

    July 10, 2023Updated:July 10, 20232 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah maanta ugu yeertay 7 Mas’uul oo ka tirsan hay’adaha dowladda inay muddo 30 maalmood ah gudaheed ku hor yimaadaan Maxkamadda.

    Mas’uuliyiintan oo ay ku jiraan agaasimeyaashii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, agaasimihii Waaxda Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo xubno kale, ayaa lagu soo oogay Dacwad ciqaabeed kiis Musuq ah.

    Xubnaha Maxkamaddu u yeertay, waxay kala yihiin:
    Maxakamaddu ayadoo cuskanaysa Qodobka 128/D Xeer Lamabar 84 ee soo baxay Tr: 12/12/1972, waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Eedeysaneyaasha kala ah:

    1. Muxudiin Xasan Jurus, ahaana Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, maqane.

    2. Maxamed Idiriis Axmed,ahna Madaxa Qaybta Canshuuraha Dadban ee Wasaaraadda Maaliyadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, maqane.

    3. Dr. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ahaana Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, maqane.

    4. Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul), ahaana Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, maqane.

    5. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Caadle), ahaana Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, maqane.

    6. Abuukar Xasan Aadan, ahaana Madaxii hore ee Xaqiijinta Dukumintiyada Codsiga Visa Kordhinta ee Waaxda Ajaanibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, maqane.

    7. Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim, ahna Shaqaale katirsan Qaybta Ruqsadsiinta Ajaanibta ee Waaxda Sharciga iyo Xiriirka Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kana howl gali jiray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan, maqane.

    Xubnhaan dacwad ciqaab ah oo ay dhinac ka yihiin ayaa ka furany Maxkamadda Gobolka Banaadir, uuna kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Qod: 241, 360, 366/71XCS iyo Qod: 4aad, 12aad, 46aad iyo 55aad ee sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, oo ah in ay galeen Musuq-Maasuq iyo Dayacaad Mas’uuliyadeed, been abuur dukuminti iyo ku Tak-rifal hanti dadwayne, kana dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

    “Maxkamaddu faraysaa eedeysaneyaasha sare ku xusan in ay ku hor yimaadaan Maxkamadda Muddo Soddon (30) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabanaysa maalinta taariikhdu tahay Tr: 11/07/2023 kuna eg Tr: 10/08/2023, oo ah maalin Khamiis ah, saacaduna tahay: (10:00 Am) Subaxnimo, si ay is-kaga difaacaan eedda uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka”.”

    Sidaas darteed, waxaa la idin farayaa in aad dhowrtaan wakhtiga Maxkamaddu idiin qabatay, haddii aad Maxkamadda ku hor imaan waydaan muddada sare ku xusan, Maxkamaddu waxay qaadi doontaa habraaca ku xusan Qod. 128/E Xeer lambar. 84, oo ah in ay qaadi doonto dacwadiina idinkoo maqane ah.

    Saalax Cali Maxamuud
    GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA G/BANAADIR

    Dacwad Kiis Maxkamadda Gobolka Banaadir Musuq Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoonka oo joojiyey kulankii Golaha Shacabka iyo Abaabulka Mooshinno iska horjeeda..
    Next Article Madaxweynaha Turkiga oo ogolaaday inay Sweden ku biirto NATO (Muxuu ku bedeshay?)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo