Maxkamadda Gobolka Banadir ayaa markii labaad maanta u fariisatay dacwadda loo heystay tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho C/casiis Axmed Gurbiye.
Kadib fadhigii maanta ee Maxkamadda Gobalka Banaadir ayey Maxkamadu sheegtay inay geli karto dacwada, waxayna intaas ku dartay inaysan caddeyn cidda soo dacweysay weriye C/casiis Gurbiye, lana soo waafajiyo qodobka 71-aad ee xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna waxay xeer ilaalinta Qaranka ku celisay inay soo caddeyso Cidda uu udacwaysan yahay Weriye Gurbiye.
Fadhiga Maxkamadda ayaa xirmay iyadoo xeer ilaalinta mar kale lagu celiyey in kiiska aanu caddeyn, isla markaana uu yahay dacwad kala dhiman sharci ahaan. Maxkamadda ayaa mar kale muddeyn doonta fadhiga xiga ee dacwadda Weriye C/casiis Gurbiye.
Waxaa hore looguu eedeeyay xafiiska Madaxweynaha inuu dagaal ka riixayo Dacwadda Weriyaha, una adeegsanayo xeer ilaalinta, arrintaas oo hadda gabagabo ku dhow inay soo shaac baxdo.
