Maxkamadda Darajada koowaad ee magaalada Garoowe, maamulka Puntland ayaa maanta amar soo qabasho ah u jartay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ay ku jiraan wasiir ku xigeeno iyo agaasimeyaal.
Mas’uuliyiintan ayaa ku eedeysan dhoofinta dhirta Geed-quwaaxa loo yaqaan oo kiiskiisa ka taagnaa Gobolka Nugaal ee Puntland, waxaana xeer ilaalinta la amray inay soo qabtaan dadkaasi eedeysanayaasha ah.
Dadka kiiskan loo xirayo waxay kala yihiin laba wasiir, laba Agaasime iyo saddex qof oo shacab, waxanaa la amray baaritaanka kiiska dhoofinta dhirta geed-qawaaxa ah ee deegaannada Puntland ay ka wareen.
Mas’uuliyiinta waxaa ka mida:
1- C/samad Maxamuud Maxamed Muuse (Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Puntland)
3- Liibaan Maxamed Faarax Barre (Agaasime ka tirsan Wasaaradda Degaanka)
2- C/raxmaan Salaad Jowle
4- Nacima Jaaamac Cumar jaqadood
5- C/naasir Abshir Gaayir
Labada mas’uul ee sare oo ka mida xukuumadda Puntland ayaa la sheegay in xasaasnadda lag qaadayo, kadibna sharciga la marinayo, waana kiiskii ugu weynaa ee Puntland ka dhacay.