Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyn xukun ku riday inta badan saxafiyiintii xirnaa kadib markii dhowr jeer ay dib u dhacday maxkamadeyntooda. Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay in suxufiyiinta lagu helay dacwaddii lagu soo oogay oo ahayd faafin warar been abuur ah isla markaana lagu xukumay xabsi iyo ganaaxyo kala duwan, waxayna kala yihiin:
Weriye Maxamed Cabdi Cali oo ka tirsanaa Idaacadda Risaala, loona heystay inuu faafiyay warar been abuur oo ku saabsan cudurka EBOLa inuu Soomaaliya ka jiro waxaa lagu xukumay intii uu xabsiga ku jira iyo lacag ganaax ah oo dhan $500.
Weriye Axmed Cabdi Xasan oo ka trisanaa idaacadda Shabeelle intii uu xirnaa oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500.
Weriye Maxamuud Carab oo Radio SKY ka tirsan, isaga waxaa lagu xukumay $2,000 oo ganaax ah iyo mudadii uu xirnaa.
Milkiilaha Idaacadda Shabelle C/Maalik Yuusuf Idaacadaha Shabelle iyo SKY intii uu xirnaa oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $10,000.
Dhamaan inta maanta la xukumay waxaa la fasaxayaa markii ay ganaaxa iska dhiibaan, waxaana dib loo dhigay dacwada Maxamed Bashiir Xaashi oo weriye Shabelle ka ahaa, iyadoo dib loo qaadi doono dacwadiisa.