Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa diiday diidmadii Kenya oo ku saabsaneyd inaysan maxkamadu geli karin dacwada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee xuduudka Badda.
Maxkamadda ayaa ku adkeysatay inay xaq u leedahay sharcigeeduna siinayo inay dhex gasho dacwada muranka badda ee Somalia iyo Kenya.
Hore waxay Maxkamddu u sheegtay in heshiiskii isa afgradka ahaa ee ee Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixdeen uu yahay mid sharci ah oo qaanuunka adduunka ka dhaqan galay.
Maxkamadda ayaa taageertay inuu sharci yahay heshiiska labada dal, basle aanu ka hor istaageynin inay qaado dacwada muranka Badda ee labada dal.
Wadani.com