Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ( The International Court of Justice -ICJ) ayaa ku dhawaaqday xilliga la qabanayo dhageysiga dacwadda u dhaxeysa dalalka Somalia ee Kenya ee xuduudka Badweynta India.
Qoraal kasoo baxay goor dhoweyd Maxkamadda ICJ ayaa lagu sheegay in wareegga koowaad ee Dhageysiga Dacwadda Badda Somalia iyo Kenya uu dhacayo maalmaha 9-ka iyo 11-ka September 2019, iyadoo wareegga labaad uu dhici doono 12-ka iyo 13-ka Septembar 2019, laguna qaban doono xarunta Maxkamadda ee magaalada Hague.
Dacwadda ayaa mareysa heerarkii ugu danbeeyay iyadoo aan weli la mudeyn xilliga go’aanka Maxkamadda uu soo bixi doono, waxaana qareennada labada dal ee la dhageysanayo bisha Septembar la filayaa inay noqoto tii ugu danbeysay.
