Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo oo sii deysay Ninkii ku gefay Nebi Muxamed NNKH [Akhri sababta]

    Maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo oo sii deysay Ninkii ku gefay Nebi Muxamed NNKH [Akhri sababta]

    September 19, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ahaatee.

    Kumannaan qof ayaa si kala duwan uga hadlay hadalka ninkaas, waxaana sidoo kale ka hadlay culimmada Soomaalida. Waxaa la sheegay in ninkaasi uu joogo Gaalkacayo, Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee maamulka Galmudug ayaa amartay in ninkaasi la soo xiro lana horkeeno sharciga.

    Waxay ninkaasi ku eedeynayaan in uu ku xadgudbay diinta Islaamka, uuna aflagaadeeyay nabi Maxamed (SCW). Balse, maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegtay in dembi lagu waayay ninkaasi lagu eedeeyay in uu Sawir meel yaalla ku tilmaamay nabi Maxamed (SCW).

    Garsooraha maxkamaddaas, Sheekh Maxamed Macallim Cali ayaa sheegay in ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu maxkamadda hor yimid oo su’aalo la waydiiyay, markii dambana la fasaxay.

    “Maalmo dhan baan daba joognay, haddana Sheekha waan wareysanay wuxuuna caddeeyay in arrintaas uu ka bari yahay,” Ayuu yiri garsooraha.

    Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed, wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Galmudug ayaa isna sheegay in ninkasi uu geystay dembi, lana baaridoono.

    “Waxaan ka hadalnay in arrintaasu tahay mid diin ka bax ah, wax banaan iyo mid qiil loo raadin karana aysan ahayn. Waxaan amarnay in ninkaasi haddii uu joogo Galkacyo la soo qabto, baaritaanna lagu sameeyo in uu yahay qof fayow iyo in uu arrintaasi dhab u sameeyay”.

    Wasiirka ayaa intaa ku daray in haddii ay cadaato in isagoo fayow uu si dhab ah u sameeyay arrintaas sharciga la mariyo. Laakiin, Garsooraha maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo, Sheekh Maxamed Macallim Cali ayaa sheegay in Wasiirka uu ku degdegay arrin uusan la socon.

    “Wasiirka wuxuu ku degdegay arrin uusan la socon in maxkamad ay ku jirto”, ayuu yiri garsooraha. Wuxuu intaa ku daray in ay amreen in la soo qabto ciddii isku deyda in ay been ay sheegto oo ku saabsan go’aanka maxkamadda ay ku sii deysay Sheekh Cabdiweli.

    Waxaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay nin la sheegay in uu yahay midka sawirkiisa la isticmaalay oo iska fogeynaya arrintaasi, wuxuuna sheegay in uusan nabinimo sheegan.

    Laakiin ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare ayaa iska fogeeyay arrintaas, wuxuuna wareysi siiyay BBC Somali. “Ma nabi maxamed baa la sawiri karaa? Aniga waxaa akteyda yaalay sawirka sheekheyga oo Maxamed la dhoho asigaana amaanay”, ayuu yiri Sheekh Cabdi weli.

    Arrintan ayaa weli aad u dhex socoto baraha bulshada oo da kala duwan ay aragti ka dhiibanayaan.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Turkiga Erdogan oo kulan Gaara la yeeshay Ilhaan Cumar
    Next Article Nin Walaalkii ku dilay Magaalada Muqdisho oo la qabtay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo