Maxkamadda Rafcaanka G/banaadir ayaa dib u soo nooleysay dacwadii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Qoraal kasoo baxay maxkamadda rafcaanka G/Banaadir ayaa lagu mudeeyay inuu hor yimaado maalinta berri ah. kadib markii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka hor-yimid go’aanka Maxkamadda Gobolka banaadir ay ku sii deysay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Banaadir ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu u diray Qareenada u dooday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kuna wargeliyay in 27 bisha December oo ku beegan maalinta berri bilaaban doonto dhageysiga dacwada loo heysto.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA


![Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir oo dib u furtay kiiskii C/raxmmaan C/shakuur & Dacwad loogu yeeray [Akhriso]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2016/01/c-raxmaan-c-shakuur.jpg)