Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ayaa xukun cusub ku riday boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo hore loogu riday xukun 5 sano oo xarig ah.
Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Garsooraha maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa Cabdi Axmed Xasan uu kaga dhawaaqay fadhi maxkamaddu yeelatay oo uu ku sugnaa Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow in maxkamadda Rafcaanku ku xukuntay boqorka saddex sano oo xarig ah .
Maxkamadda Rafcaanku waxay yaryesay maanta xukunkii maxkamada gobolka hargeysa ay 26-dii April 2018 horay ugu xukuntay boqor Buurmadaw 5 sano oo xarig ah.
Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw oo lagu xiray magaalada Hargeysa 21-kii April 2018 waxaa xeer ilaaliyaha guud ee somaliland ku eedeeyay inuu 15 April munaasabad dhaqameed uu boqorku kaga qayb galay Puntland uu kaga hadlay khudbad wiiqaysay ayuu yiri gooni isu taagga Somaliland iyo ciidamadeeda .
Qareenada difaacayay boqor Buurmadaw ayaa eedeyntaasi ka difaacay, hase-yeeshee garsooraha maxkamada rafcaanka ee Hargeysa Cabdi Axmed Xasan wuxuu sheegay in denbigaasi lagu helay boqorka laguna riday saddex sano oo xadhig ah.