Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maxkamadda Sare ee Kenya oo soo saartay sababihii loo laalay Doorashadii Kenya [Warbixin]

    Maxkamadda Sare ee Kenya oo soo saartay sababihii loo laalay Doorashadii Kenya [Warbixin]

    September 20, 20175 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Garsoorayasha maxkamadda ugu sareysa Kenya ayaa maanta soo bandhigay guddoon faahfaahsan oo ku saabsan sababta ay u laaleen natiijada doorashadii madaxtinimada ee Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay.

    Ku xigeenka gudoomiyaha maxkamada ugu sareysa Kenya Philomena Mwilu ayaa sheegtay in guddiga doorashada ay diideen amarkii maxkamada ee ahaa in lagu soo wareejiyo faahfaahin ku saabsan nidaamka qalabka casriga ah ee doorashada.

    Mrs Philomena ayaa sheegtay in guddiga doorashada ee IEBC uu ku guuldaraystay in uu u hogaansamo amarka maxkamadda ee tahay mid u cadaysay garsoorayaasha in ay run tahay eedeeynta NASA ee ah in la jabsaday qalabka elektronigada ee lagu maareenayey natiijada doorashada.

    Maxaa ka mid ah qodobada loo cuskaday laalida doorashada

    • Maxkamadda ayaa sheegtay in waaxda cadaaladda ay masuuliyad ka saran tahay xaqiijinta sax ahaanshaha nidaamka codaynta, tirinta iyo soo gudbinta natiijada doorashada.
    • Garsoorayaasha waxa ay sheegeen in NASA aysan cadayn in IEBC ay ku dhawaaqeen natiijada madaxwaynanimada ka hor inta aan la soo wada gudbin dhamaan 40,883 diiwaan oo ah nooca loo yaqaano Foom 34A.
    • Garsoorayaasha ayaa sheegay in dadka ay telafishanada ka daawanayeen natiijada doorashada balse aanan loo sheegin goobaha ay natiijada ka soo dhacayso
    • Maxkamadda ayaa waxa ay sheegtay in ay ahayd in gudiga IEBC uu doorashada u qabto sida uu dhigayo sharciga dalka.
    • Waxay sheegeen in gudiga doorashada ay qasab ku tahay in doorashada ku celiska ah ay u diyaariyaan nidaam la adeegsan karo hadii qalabka tiknoolajiyada uu shaqayn waayo.
    • Maxkamadda ayaa sheegtay in baaritaan ay ku sameeyeen 4,299 diiwaan oo ka mid ah warqadaha ay ku arkeen kala duwanaashiyo balaaran.

    Yaa qabanaya doorashada ku celiska ah ee Kenya?

    Ka dib go’aanka maxkamadda, waxay su’aal ka taagan tahay kalsoonida lagu qabi karo Guddiga doorashada

    Mucaaradka waxay dalbanayaan in xubno ka mid ah guddiga meesha laga saaro, kuwaas oo ay ku eedeynayaan in ay qaladkii dhacay masuul ka ahaayeen.

    Guddiga doorashada ayaa iska fogeeyay eedaas, waxayna sheegeen in ay doorashada qaban karaan.

    Dadka siyaasadda falanqeeya waxa ay sheegayaan in ay suuragal tahay in mucaaradka iyo dad kale ay maxkamad aadaan si guddiga loo kala diro madaama eedda ugu badan ay ayaga ku dheceyso.

    Maxkamadda sare waxa ay sheegtay in guddiga uu yahay midka ku guuldareystay in doorasho xor iyo xalaal ah uu qabto.

    Isbeheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa diidan in 17-ka October la qabto doorashada.

    Xisbiga Talada haya ee Jubilee ayaa ku adkeysanaya in guddiga IEBC uu qaban karo doorashada lana qabto xilliga loo qorsheeyay.

    Caqabadaha hortaagan Doorashada ku celiska ah

    Maxkamada ugu sareysa ee Kenya ayaa amartay in doorashada ku celiska ah ee madaxwaynaha la qabto 60 maalmood gudahood.

    Balse wali waxa uu muran ka taagan yahay goorta la qabanayo iyo cidda qabanaysa.

    Isbahaysiga mucaaradka Kenya ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa waxa ay ku baaqayaan in gabi ahaan ba la kala diro guddiga doorashada ee hadda jira.

    Madaxda Nasa ayaa waxa ay ku hanjabeen “in aysan doorashada ka qayb gali doonin” haddii ay qabanayaan gudiga hadda jira.

    Mucaaradka ayaa waxa ay sidoo kale dalbanayaan in qandaraaska warqadaha codaynta aan mar kale la siin shirkada Al Ghurair oo fadhigeedu yahay Dubia.

    Dhanka xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa ka soo horjeeda dalabka Raila, waxayna doonayaan in la dedejiyo doorashada.

    Caqbada kale ee jirta ayaa ah in xubnaha guddiga doorashada ugu sareeya uu ka dhextaagan yahay muran.

    Haddii la kala diro guddiga doorashada ee hadda jira waxay shaki gelineysaa xilliga doorasho ay ka dhici karto Kenya iyo cidda sii maamuli doonto.

    Maxaa ka mid ah eedaha IEBC loo jeediyay?

    Ku xigeenka gudoomiyaha maxkamada ugu sareysa Kenya Philomena Mwilu ayaa sheegtay:

    • In nidaamka codaynta la jabsaday, codad lagu daray
    • In IEBC aysan qirsanayn in ay guuldaro jirto
    • In caddeyntii laga dalbaday aysan soo gudbin
    • Dukumiintiyada qaar in aysan sax ahayn
    • Qalabka IEBC in ay isticmaaleen dad aan fasax u haysan

    Guddoon Taariikhi ah

    Go’aankii ka soo baxay maxkamadda sare, horraantii bishan ayaa ahaa mid lama filaan ah.

    Waxaa layaab ay ku noqotay Kenya, Afrika iyo guud ahaan caalamka.

    Wuxuu ahaa go’aan markii afaraad caalamka ka dhacay oo doorasho madaxweyne lagu tilmaamay mid wax kama jiraan ah.

    Xukunka maxkamadda Kenya ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee Afrika mid noociisa ah uu ka dhaco.

    Wuxuuna go’aankaasi soo celiyay kalsoonidii shacabka ay ku qabeen garsoorayaasha iyo waaxda cadaaladda.

    Waxa jira kiisas badan oo la geeyay maxkamadaha dalka Kenya kuwaasi oo ka dhan natiijada qaar ka mid ah madaxdii heerarka kala duwan ee la soo doortay.

    Rajada laga qabo ayaana ah in dacwadahaasi oo dhan loo qaado si cadaalad ah.

    Jawaabta siyaasiyiinta.

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii hore soo dhoweeyay go’aanka, laakiin dib ayuu ka dhaliilay garsoorayaasha.

    “Kuma raacsani sida go’aanka uu kusoo baxay, laakiin waan xushmeynayaan”, ayuu yiri Kenyatta.

    Balse daqiiqado ka dib asigoo la hadlayay taageerayaashiisa wuxuu madaxda maxkamadda ugu sareysa ee Kenya ku tilmaamay “burcad”.

    Madaxwayna ku xigeenka Kenya Willaim Ruto ayaa dhankiisa sheegay in shaqsiyaad kooban ay laaleen go’aankii ay gaareen malaayiin Kenyan ah oo ay ku doorteen xisbiga Jubilee.

    Waxa wali socda weerarka dhanka afka ah ee ay madaxda sarsare ee dalka ku hayaan waaxda garsoorka dalka.

    Dhanka mucaaradka ayaa si wayn u soo dhaweeyay guusha ay maxkamada ka gaareen, waxa ayna sheegeen in ay jireen cadaymo badan oo ay geeyeen taasi oo horseeday in doorashada la laalo.

    Mucaaradka ayaa horey u dhaliili jiray garsoorayaasha oo ay ku eedeeyn jireen in laaluush ay ka qaataan madaxda talada haysa.

    Kenya Kenya Elections Raila Odinga Uhuru Kenyatta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Saddex Wasiir oo looga yeeray Baarlamaanka Federaalka & Arrimaha laga doonayo
    Next Article Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Turkiga [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo